Wednesday, May 13, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Kampala kaga qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Madaxweyne Museveni ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa, isaga oo u rajeeyay shacabka iyo dowladda Uganda horumar, xasillooni iyo barwaaqo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo adkeeyay muhiimadda sii xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga difaaca iyo amniga, iyo danaha istiraatiijiga ah ee labada dal.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles