Sunday, May 3, 2026

UNTMIS iyo Safiirka UK oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS.

Xafiiska KMG ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweeyey martiqaadka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay Xubnaha Golaha Mustaqbalka, iyadoo ujeeddadu tahay in si wadajir ah xal loogu helo arrimaha muhiimka ah ee qaranka.

“Waxaan mar kale ku baaqaynaa in dhammaan dhinacyada ay khusayso ay si hufan oo niyad sami leh uga qaybqaataan wada-hadallada, iyagoo danta guud ee dhammaan Soomaalida la siinayo mudnaanta koowaad. UNTMIS waxay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee lagu wajahayo arrimaha taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka QM.

Sidoo kale Danjiraha Dowladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa si diirran u soo dhaweeyay casuumaadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabsoomidda kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya (Somali Future Council).

Danjiraha ayaa tilmaamay in xilligan xasaasiga ah ee uu dalku marayo, wadahadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu wajahayo mudnaanta qaranka, lagu xoojinayo xasilloonida, isla markaana lagu taageerayo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles