Kulanka muhiimka ah ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa maanta la filayaa inuu qabsoomo, iyadoo ajandaha kulanka uu yahay dardargelinta xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Golahan oo ay qeyb ka yihiin madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa la kulmaya wakiillo ka kala socda Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, kuwaas oo qaab fogaan-arag (online) uga qeyb geli doona shirka.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan garabka Samatabixinta ay si toos ah uga qeyb galaan kulanka, kaas oo ka dhacaya gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro dhaq-dhaqaaq diblumaasiyadeed oo xooggan iyo cadaadis caalami ah, kaas oo lagu doonayo in ka hor 15-ka May 2026 la gaaro heshiis siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka maanta uu door muhiim ah ka ciyaari karo jihada mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.




