Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa maanta ku daahfureyso caasimadda Muqdisho Madasha Qaran ee Isku-duwidda Xasillinta.
Madasha oo 2 maalin ah ayaa waxaa kaqeybgalaya mas’uuliyiinta labada heer ee dowladda federaalka ah, bulshada rayidka iyo beesha caalamka.
Ujeedka waa dib u eegista guulaha Xasillinta, wax kaqabashada caqabadaha iyo hagidda jihada mustqabalka.




