Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in go’adoominta marin-biyoodka Hormuz ay bilaaban doonto galinka dambe ee Isniinta maanta ah, isla markaana ay saameyn doonto oo keliya maraakiibta u socda ama ka imanaya dekedaha Iiraan.
Iiraan waxay sheegtay in maraakiibta militariga ee soo mara marinkaas “si daran loola dhaqmi doono”, halka afhayeenka baarlamaanka dalkaasna uu sheegay, in Tehran aysan “is dhiibi doonin.
Madaxweynaha Trump ayaa ku dhawaaqay tallaabadan kadib markii wada-hadallada lala yeeshay Iiraan ay ku fashilmeen in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka isla markaana si buuxda dib loogu furo marinkan ganacsi ee muhiimka ah.
Qiimaha saliidda Brent Crude ayaa mar kale ka sare ugu kacay boqol doolar, kaddib natijo la’aanta u uku soo dhamaaday shirka.
Donald Trump ayaa sheegay in xannibaadda ciidanka badda ee Mareykanka ay cadaadis saari doonto Iiraan si ay marinka u furto.
Qiyaastii shan meelood meel saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee aduunka ayaa si caadi ah ku mara marin-biyoodkan




