Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku muujiyay walaac xooggan oo ay ka qabaan isku dayo lagu doonayo in ciidamada qaranka loogu adeegsado dano siyaasadeed, gaar ahaan arrimaha la xiriira muddo kororsi.
Goluhu wuxuu si cad uga digay in ciidanka qaranka loo adeegsado dano gaar ah ama siyaasad aan waafaqsanayn sharciga dalka, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay dhaawacayso haykalka dowladnimada, isla markaana wiiqeyso kalsoonida shacabka ee ku aaddan ciidanka oo ah mid loo baahan yahay inuu ahaado dhexdhexaad.
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in ciidanka qaranku aanu ahayn aalad lagu fuliyo dano shaqsi ama kooxeed, balse uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada iyo jiritaanka qaranka. Golaha ayaa sidoo kale xusay in ku milanka siyaasadda iyo kala qeybsanaanta qabiilka ay burburin karto isku-duubnida ciidanka, isla markaana halis gelin karto amniga guud ee dalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si gaar ah u tilmaamay in hadallo dhawaan ka soo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud oo la xiriira muddo-xileedkiisa ay muujinayaan khatar suuragal ah, haddii hay’adaha amniga loo adeegsado dano siyaasadeed.
“Ciidanka Qaranku ma aha aalad loo adeegsado dano shakhsiyadeed ama koox gaar ah,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu adkeeyay in tallaabo kasta oo lagu dhex daro qabyaalad ama dano gaar ah ay wiiqi karto isku-duubnida ciidanka, isla markaana ay halis gelin karto amniga dalka.
Goluhu wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xoojiso dhexdhexaadnimada ciidanka, lana joojiyo faragelin kasta oo siyaasadeed. Sidoo kale, waxay ku taliyeen in ciidanka laga ilaaliyo xadgudubyada wax u dhimi kara sumcaddooda, isla markaana saraakiisha lagu dhiirrigeliyo inay ku shaqeeyaan si waafaqsan sharciga iyo dastuurka dalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa adkeeyay in ilaalinta hay’adaha amniga ay tahay tiir muhiim u ah dowladnimada, isla markaana ay lama huraan tahay in ciidamada lagu ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo madax-bannaanidooda, si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta.




