Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee ka qayb gala tartanka caalamiga ah ee FIFA World.
“Guushan qiimaha leh waa mid kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya, isla markaana muujinaysa kartida iyo hibada ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hanweyn in ay dalkooda ku matalaan fagaarayaasha caalamka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka, xirfadda iyo hufnaanta uu muujiyay Garsoore Cumar, isaga oo noqday astaan dhiirrigelin u ah jiilka cusub ee Soomaaliyeed.




