Thursday, April 9, 2026

MW Xasan Sheekh Xamsa iyo Qoor Qoor oo ka shiray doorashada Galmudug.

Kulan xasaasi ah ayaa ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas oo ay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda doorashooyinka Galmudug, iyadoo la isla falanqeeyay marxaladda kala guurka siyaasadeed, diyaar-garowga doorashada iyo caqabadaha jira.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in madaxdu ay ka wada hadleen sidii loo xaqiijin lahaa doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo, isla markaana looga hortagi lahaa khilaafaad siyaasadeed oo dib u dhigi kara geeddi-socodka.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday arrimaha amniga Galmudug, maadaama ay muhiim tahay in la helo xasillooni suurtagelisa qabsoomidda doorashooyin nabdoon.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo loolanka hoggaanka ee ka jira Galmudug, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay soo baxaan go’aamo muhiim ah oo saameyn ku yeelan kara jihada doorashada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles