Wednesday, April 8, 2026

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug.

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Faarax Aadan, Carfuuda Tabar-mooge iyo Miiron, halkaas oo la sheegay in lagu burburiyay fariisimo iyo gaadiid ay lahaayeen kooxda. Wararka ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah gaadiidkaasi loo adeegsanayay diyaarinta walxaha qarxa.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta.

xaaladii ugu dambeysay ee laga helayo deegaannada duqeyntu ka dhacday ayaa sheegaya in xaaladdu ay haatan degan tahay, inkastoo weli la dareemayo saameynta ka dhalatay duqeymaha culus ee habeenkii ka dhacay halkaasi.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles