Monday, April 6, 2026

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil.

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala Israa’iil, Waxaa lagu soo warramayaa inay khasaare ka dhasheen weeraradaas.

Adeegga ambalaaska Israa’iil ayaa sheegay, in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhaawacmeen, oo midkod xaaladiisu aad u liidato, kadib markii ay Iiraan labo gantaal ku garaacday magaalooyinka Tel Aviv iyo Haifa.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay, in hubkan qarxa ay ku dhaceen 15 goobood oo ku yaal bartamaha Israa’iil, oo ay ku jirtay magaalada Tel Aviv, halka isla kooxahaasi ay sheegeen in ay waxyeello ka soo gaartay madaafiic ku dhacday Haifa, ka dib gantaallo lagu bartilmaameedsaday.

Muuqaallo laga soo duubay ayaa muujinaya gaari uu dab qabsaday iyo mid kale oo ku rogmaday Haifa taasoo ka dhalatay weerarka.

Sida laga soo xigtay militariga Israa’iil, laba gantaal oo hore oo habeenimo lagu riday bartamaha Israa’iil ayaa la qabtay, iyadoo qayb ka mid ah ay ku dhaceen meelo bannaan.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegay in Iiraan ay ugu yaraan toban gantaal ku weerartay bartamaha Israa’iil.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles