Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Hoggaanka Guud ee Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, dardargelinta geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka, xoojinta hay’adaha dowliga ah ee Koonfur Galbeed, gurmadka abaaraha iyo kaalinta Odayaasha dhaqanka ee dowlad-dhiska iyo la dagaallanka argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Odayaasha Dhaqanka la wadaagay muhiimadda ay leedahay in ay door firfircoon ka qaataan dadaallada dalka looga hirgalinayo doorashooyinka Qof iyo Cod, si shacabka Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan in ay doortaan hoggaankooda, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda togan ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka.
Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka oo Madaxweynaha ugu mahad celiyay booqashadiisa Koonfur Galbeed waqtigan kala guurka ah ayaa si buuxda u taageeray qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod, iyaga oo muujiyey diyaar garowgooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo ka qayb qaadashada xaqiijinta in talada dib loogu celiyo shacabka soomaaliyeed.
DHAMMAAD.




