Thursday, April 2, 2026

Madaxweynaha Maraykanka oo weerar ku qaaday Soomaalida dalkaasi.

Madaxweynaha Maraykanka Donald ayaa markale weerar xooggan ku qaaday bulshada Soomaaliyeed ee kunool qaybaha kala duwan ee dalkaasi, xilli ay siyaasadda siweyn isugu hayaan Senator Ilhaan Cumar.
Donald Trump, wuxuu Soomaalida ku eedeeyey inay dalkiisa yimaadeen iyagoo caydh ah oo aan haysan dhaqaale, haseyeeshee ay hadda wataan gawaadhida ugu qaalisan ee USA yeesheenna hanti badan, dalkooduna uu yahay dowlad la’aan.

“Soomaalidu waxay noo yimaaddeen iyaga oo caydh ah, haddana waxay wada wataan baabuur qaali ah; Mercedes. dalkoodu waa kan ugu xun adduunka, dowlad ma leh, booliis ma leh, lacag ma leh, had jeer iyagaa is dila”, Ayuu yiri Trump.

Dhanka kalena, Donald Trump ayaa Soomaalida ku eedeeyey tuuganimo, wuxuuna xusay in 94% ay shaqo la’aan yihiin ayna Maraykanka ka xadeen $19 billion oo dollar, “Soomaali 94% waa shaqo la’aan, kuwa Minnesota waxay naga xadeen $19 bilyan, waa dad garaad la’ oo xun..”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles