Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran si loo dardargaliyo hawlihii socday.
Mudane Xamsa oo cuskanaya qodobada 119-aad, farqada (D) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay agaasimeyaasha hoos ku xusan.
1- Mudane Yuusuf Cali Maxamed
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
2- Mudane Maxamed Saney Dalmar
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada.
3- Mudane Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
4- Mudane Guuleed Cabdijaliil Cali
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
5- Mudane Yuusuf Xasan Isaaq
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
6- Mudane Maxamed Xasan Shire
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.










