Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo.
Wafdiga waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS, wasiiro ka tirsan dowladda, xildhibaanno ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka, siyaasiin iyo madax kale.
Guddoomiyaha ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka, isagoo shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay midnimo iyo inay garab istaagaan dowladnimada.




