Saturday, March 28, 2026

RW Xamsa oo warbixin ka dhageystay Wasiir Cabdiqaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, taas oo ku saabsan horumar dalka uu ka gaaray dhanka gaadiidka badda.

Warbixinta oo ay soo jeediyeen Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo khubaro ka socotay wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay hannaan casri ah oo lagu diiwaangalinayo doomaha iyo maraakiibta saldhiggoodu uu noqonayo Soomaaliya, kuwaas oo qaadan doonna calanka Soomaaliya si tixraac u yeeshaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa madaxda wasaaradda ku boggaadiyay dadaalka ay sameeyeen, wuxuuna sheegay in hannaankan cusub uu Soomaaliya ka saarayo diiwaanka madoow ee xagga Gaadiidka Badda, isaga oo kula dardaarmay in howsha lasii dardargaliyo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles