Thursday, March 26, 2026

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo dhidibada u taagaya xoojinayo xiriirka labada dal,gaar ahaan dhinacyada siyaasada iyo dibolomaasiyadda.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan oo ka dhacday magaalada Madrid, waxaa ka qeybgalay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Spain, Diego Martínez Belío.

Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda xoojinta iskaashiga ee laba-geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha badda , horumarinta dhaqaalaha iyo raadinta fursadaha maalgashi ee dhinacyadaasi.

Wasiir Cali Maxamed Cumar ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la jaanqaadaya danaha qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Spain ayaa bogaadisay horumarka la taaban karo ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada xasilloonida iyo dib-u-dhiska qaranka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles