Maamulka Koofur Galbeed ayaa si kulul uga hadlay kordhinta howlgalada milatari ee ka socda deegaanadooda, kuwaas oo ka imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), taasoo la sheegay in ay keeni karto khatar weyn oo amni iyo musiibo bani’aadannimo.
Waxaa si gaar ah looga hadlay in khilaafaadka siyaasadeed ee maamulka Koofur Galbeed iyo DFS ay tahay in si nabad ah loo xalliyo, balse hadda lagu xallinayo awood ciidan, taasoo u horseedi karta dagaal sokeeye iyo barakaca shacabka rayidka ah ee ku nool gobolka.
Ciidamada ay tababareen dowladaha caalamiga ah sida UK, UAE, Mareykanka iyo Turkiga, ee ku jira gacanta DFS, ayaa lagu eedeeyay in ay si weyn uga qayb qaateen dagaalka socda. Waxaana la sheegay in ay dhaawacayaan nidaamka siyaasadeed ee dalka, iyadoo dagaalkan ay tahay mid siyaasadeed oo aan xal sharci ah loo raadin.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa si degdeg ah ugu baaqay beesha caalamka in ay ka hortagto xaaladdan, isla markaana si degdeg ah loogu dhaqmo sidii loo joojin lahaa dagaalka, loona badbaadin lahaa shacabka rayidka ah ee ku sugan gobolka. Waxaana sidoo kale la muujiyay in ay sii kordheyso khatarta amni ee gobolka, taasoo keeni karta in xaalad bani’aadamnimo oo ba’an ay ka dhalato.
Beesha caalamka ayaa sidoo kale looga digay in xaaladda ay u baahan tahay tallaabooyin degdeg ah, si looga hortago in dagaalka uu sii fido, isla markaana ay ka hortagaan burburka gobolka oo dhan.




