Friday, March 20, 2026

Ciidamada dowladda oo la wareegay amniga Baraawe.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta magaalada, kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad iyo cutubyo ka tirsan Qeybta 60-aad ayaa la xaqiijiyay inay si buuxda u joogaan gudaha magaalada, iyagoo sugaya amniga, halkaasi oo horey ay u maamulayeen ciidamo daraawiishta ee maamulka Koofur galbeed.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in bixitaanka ciidamada Koonfur Galbeed uu ahaa mid abaabulan, balse aan weli si rasmi ah loo faahfaahin sababta ka dambeysa.

Tallaabadan ayaa si weyn u sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo weli aan wax war ah laga helin dhinaca maamulkaas.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan iyo xiisad sare oo u dhaxeysa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaaradka ee ka soo horjeeda madaxweynaha Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Baraawe ayaa haatan noqotay xudunta loolanka siyaasadeed, iyadoo xaaladda guud ee Koonfur Galbeed ay u muuqato mid sii cakirmeysa saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles