Tuesday, February 24, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubin sare oo ka tirsan Qoyska boqortooyada Ingiriiska.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.
Intii kulanku socday, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda iyo Marwo Sophie ayaa ka wada halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada.
Madaxwyanaha Jamhuuriyadda ayaa Marwo Sophie ku bogaadiyay dadaalkeeda ku aaddan u qareemidda arrimaha haweenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gooni ah siinayso xoojinta iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma.
Dhankeeda, Marwo Sophie ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda uga mahad celisay qaabilaadda uu u fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyada oo adkaysay sida Boqortooyada Ingiriiska ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles