Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay wadahadalladii u dhexeeyay xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo looga gol leeyahay in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
Wakiillada beesha caalamka ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay muujiyaan tanaasul iyo isfaham si dalka looga saaro marxaladda kala guurka ah, loona xoojiyo xasilloonida siyaasadeed.
Qaramada Midoobay waxay sidoo kale ku ammaantay madaxda Soomaalida dulqaadka ay muujiyeen, taas oo suurtagelisay in shirka uu qabsoomo, isla markaana la abuuro jawi wadahadal.




