Kenya ayaa dib u furi doonta xuduuddeeda ay la wadaagto Soomaaliya bisha Abriil, ku dhowaad 15 sano kadib markii la xidhay sababo la xidhiidha weerarro ay geysteen kooxda Islaamiyiinta ah ee al-Shabaab, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Kenya, William Ruto.
Kooxda Alshabab oo saldhiggeedu yahay Soomaaliya ayaa ka dambeysay weerarro dhimasho badan sababay oo ka dhacay Kenya, oo ay ku jiraan weerarkii xarun ganacsi oo ku taalla caasimadda Nairobi sanadkii 2013 oo lagu dilay 67 qof, iyo weerarkii jaamacadda Garissa laba sano kadib oo ay ku dhinteen 148 qof.
Qorshaha dib u furista ayaa hore loo shaaciyay sanadkii 2023, balse weerarro kale ayaa dib u dhigay fulintiisa.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in go’aanka dib loogu furayo laba marin xuduudeed uu ka dambeeyay qiimeyn amni oo socotay sanado badan, isagoo intaa ku daray in la kordhin doono ciidamo si loo hubiyo in tallaabadan aysan wax u dhimin amniga.
Kenya ayaa sidoo kale ka walaacsan hub sharci darro ah iyo badeecooyin kale oo mamnuuc ah oo si qarsoodi ah looga soo gudbiyo xuduudda.
Madaxweynaha ayaa qorshahan ku dhawaaqay xilli uu booqasho ku tagay magaalada Mandera ee waqooyi-bari Kenya, halkaas oo ay ku nool yihiin dad badan oo Soomaali ah.
“Ma aha wax la aqbali karo in muwaadiniinta Kenya ee Mandera ay ka go’naadaan ehelkooda iyo deriskooda Soomaaliya sababo la xidhiidha xidhnaanshaha muddada dheer ee Xuduudda Mandera,” ayuu Ruto ku qoray bartiisa X.
Wuxuu rajeynayaa in dib u furista ay kor u qaadi doonto “ganacsiga xuduudaha ka gudba si loo gaadho barwaaqo wadajir ah oo dadka oo dhan ah”.
Sanadkii 2015, Kenya waxay bilowday dhismaha darbi xuduudeed oo dhererkiisu yahay 680km si looga hortago khatarta mintidiinta, balse mashruuca ayaa la hakiyay ku dhowaad saddex sano kadib, iyadoo la dhisay oo keliya 10km oo silig ah, kharashkiisuna gaarayay $35 milyan (£26 milyan).




