Wednesday, February 11, 2026

Turkiga oo maraakiib dagaal keenay Muqdisho.

Wasiir dowlaha wasaarada Gaashandhigga XFS Cumar Cabdi Cali uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Turkiga.

Imaanshaha maraakiibta dagaal ayaa kusoo aadeyso xili dowlada Fedaraalka Soomaaliyeed ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha iyo Tayaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Soo dhaweyntan ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiiru dowlaha Dekeda iyo Gaadiidka Badda Xukuummada Federaalka Soomaaliya,Kaaliyaha Guud Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Ciidanka XDS, Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiyo Soomaaliya iyo Saraakiil kale.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles