Doorashada Guddoomiyaha,Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa hadda ka bilaabatay magalaada Muqdisho.
guddigaan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa bishii May 2025 ku soo baxay imtixaan ay qaaday Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, iyadoo intaas kadib ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.




