Maamulka Puntland ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisey Marxuumad Hodan Maxamuud Diiriye, Ina Xaawo Xasan, 34 sano jir oo maxkamadi ku heshay dil ka dhacay Magaalada Galkacyo.
Marxuumad Hodon Maxamuud oo saaka dil toogasho ah lagu fuliyey ayaa lagu helay inay dabayaaqadii sanadkii tegey Galkacyo ku dishey Marxuumad Saabiirin Saylaan Cabdille oo ahayd gabar yar oo gurigeeda joogtey.
Maxkamadda derejada 1aad ee degmada Galkacyo oo ay caddaymo muuqaal ah horkeentay xeer ilaalinta gobolka Mudug ayaa horay dil toogasho ugu xukuntay Marxuumad Hodon Maxamuud Diiriye, iyadoo uu dhammaaday waqtigii loo qabtay ee qaadashada rafcaanku.




