Saturday, January 31, 2026

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira ka hortagga khilaafaadka horseeda colaadaha sokeeye iyo xoojinta dedaallada dib-u-heshiisiinta ee lagu xallinayo colaadaha beelaha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka, si loo adkeeyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed iyo dowladnimada.

Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay doorka muhiimka ah ee ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta midnimada, madaxbannaanida dalka, xoojinta nabadda iyo ka hortagga faragelinta shisheeye, iyada oo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hoggaanka dhaqanka iyo Wasaaradda.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles