Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka digtay in Donald Trump weeraradiisa shaqsiyadeed ee soo noqnoqonaya iyo hadalada ka dhanka ah bini’aadanimada ay hurinayaan jawi kicin kara qalalaaso siyaasadeed oo keeni kara cawaaqib xumo.
Ayadoo hadlaysay maalmo ka dib markii madaxweynaha uu ku baaqay in dalka laga saaro, ayey Ilhan Cumar waxay sheegtay in luqadda kicinta ee Trump ay gaartay “meesha ugu xun ee qof bani’aadan ah uu gaaro” uuna dadka ku dhiirigeliyo inay ficil sameeyaan.
“Waxaa jira dad loo xiray inay ay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayay u sheegtay wargayska the Guardian iyadoo ku sugan xafiiskeeda Washington. “Waxaan haynaa dad lagu soo oogay dacwad ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan, waana wax maskaxdayada ku sii jira, laakiin waxaan sidoo kale ka walaacsanahay dadkaas inay helaan qof aniga ii eg oo jooga Minneapolis ama dalka oo dhan, ayagoo moodaya inaan aniga ahay oo ay waxyeello u geystaan” ayey tiri Ilhaan.




