Saturday, January 17, 2026

Danjireyaal Caalami ah oo u Safray Caleemo saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya

Danjireyaasha dalalka Boqortooyada Sucuudiga, Turkiga iyo Suudaan ayaa goordhow ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada martigelinaysa munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wafdiyadan diblomaasiyadeed ayaa la filayaa in ay ku biiraan safiiro iyo ergooyin kale oo caalami ah oo ka kala socda dalalka Shiinaha iyo Masar, kuwaas oo iyaguna ka mid noqon doona martida heer caalami ee ka qeyb galaysa munaasabaddan muhiimka ah.
Tagista danjireyaashan iyo wufuuddan shisheeye ayaa muujinaya xiisaha sii kordhaya iyo taageerada ay beesha caalamku u hayso geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo xasillinta amniga, midnimada qaranka iyo dhismaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.
Munaasabadda caleemo-saarka ayaa la filayaa in ay noqoto mid ay ka qeyb galaan masuuliyiin heer federaal iyo dowlad-goboleed ah, iyada oo loo arko tallaabo muhiim ah oo horumarineysa wada-shaqeynta gudaha iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles