Friday, January 16, 2026

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Agaasimaha Bankiga Adduunka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaaminayay Mr. Qimiao Fan oo ah Agaasimaha Bangiga Adduunka ee qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika sida Somalia, Kenya, Rwanda iyo Uganda. Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo maamulaha Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Mr. Hideki Matsunaga.

Kulanka oo ahaa mid miro-dhal ah ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga xooggan u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan joogtaynta xasilloonida dhaqaalaha guud iyo dardar-gelinta maalgelinta mudnaanta leh ee kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, iyo isku-xirka gobollada, iyada oo la raacayo Hindisaha iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay saaxibada caalamiga ah ee sida joogtada u la shaqeeya Dowladda Soomaliya kana qeyb qaata maalgalinta mashaariic horumarineed oo qoorkoodba haatan si habsami leh ay uga socdaan gudaha dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles