Friday, January 16, 2026

Mudaharaad lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda degmada Kaaraan.

Waxa saakay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ka socda mudaharaad lagu taageerayo midnimada jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudaharaakan ayaa looga soo horjeedaa xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya.
Mudaharaadkan ayaa waxa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshadda sida Dhalinyarradda,Haweenka,odayaasha dhaqanka iyo Maamulka degmada.
Waxa sidoo kale mudaharaadkan ka qayb gelaya qaybaha kala duwan ee maamulka gobolka Banaadir,madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa waxa si weyn uga socda mudaharaado is daba joog ah kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ku difaacayaan midnimada dalkooda sidoo kalena dunida fariin ugu dirayaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles