Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdulaahi Dehi ayaa xalay qasriga Madaxtooyada kullan kula qaatay Dhallinyarada Puntland, Kulanka oo ay ka qaybgaleen in ka badan Kun dhallinyaro ah oo isugu jira Aqoonyahan, Dhallinyaro Hal-Abuur cusub soo kordhiyey, Saraakiil Ciidan oo dhallinyaro ah iyo kuwo lagu soo doortay Qof iyo cod oo metela degmooyinkooda. Wuxuu Madaxweynuhu dhegaystay aragtida dhallinyarada Puntland oo muujiyay rajada wanaagsan ee Mustaqbalka Puntland.
Madaxweynaha ayaa boggaadiyay doorka dhallinyarada Puntland ay ku leeyihiin Dowladdnimada tan iyo aasaaskii Puntland, sida ay uga qeyb qaateen horumarka dhinac kasta laga gaaray, oo ay u danbeeyeen hirgelintii dimuqraadiyadda iyo Hawlgalka Calmiskaad, isagoo si gaar ah u xusay Col. Raage Ciiro oo ka mid ah Saraakiishii kusoo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad, oo caawa kulanka ka jeediyay fariin dareen taabat leh oo ka turjumaysa sida dhallinyarada Puntland ugu halgamayso in dadkoodu ku noolaado nabad iyo horumar.




