Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay inay bixiyaan fiisooyin gelitaan ah dadka sita baasaboorrada ay bixiso Maamulka iskiis ugu dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland, tallaabo loo arko mid cusub oo ka tarjumaysa siyaasadda Imaaraadka ee ku saleysan la macaamilka hay’adaha aan si caalami ah loo aqoonsan iyo xoojinta kala-qaybsanaanta gobolka.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Imaaraadku door muuqda ka ciyaarayo arrimaha siyaasadeed iyo amni ee dalal dhowr ah oo Carbeed iyo kuwa Geeska Afrika ah, doorar ay dhaliilayaashu ku tilmaamaan kuwo burburin ku ah dowladnimada dalalkaas. Waxaa si gaar ah loogu eedeeyaa Abu Dhabi taageeridda maleeshiyaad hubeysan iyo ku lug lahaanshaha mashaariic lagu wiiqayo midnimada qaran ee dalal ay ka mid yihiin Suudaan, Yaman, Liibiya iyo Soomaaliya.
Maamulka Somaliland, oo sanadkii 1991 ku dhawaaqay inuu ka go’ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaan weli helin aqoonsi caalami ah. Beesha caalamka, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa marar badan si cad u adkeeyey taageeradooda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed, iyagoo diidaya tallaabo kasta oo wax u dhimaysa arrintaas.
Inkasta oo Somaliland ay sheegato xiriirro gaar ah oo ay la leedahay dalal iyo hay’ado shisheeye, haddana ma jiro dal si rasmi ah u aqoonsaday ilaa hadda, arrintaas oo ka dhigaysa tallaabada Imaaraadka mid dhalin karta dood siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo hor leh.




