Friday, January 16, 2026

Deni oo kulamo siyaasadeed ka wada Magaalada Garoowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xalay xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Puntland iyo qaar ka mid ah xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.

Waxaa kulanka ka qeybgalay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Puntland Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), madaxweynihii hore ee Puntland senator Cabdiraxmaan Faroole iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegay sii wadi doono kulamo uu la yeellanayo goleyaasha dowladda, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si aragtida iyo tallooyinka kulamadaas ka soo baxa loogu saleeyo go’aamada masiiriga ah ee Puntland ee ku saabsan marxaladda dalku marayo, taas oo loola jeedo go’aanada Puntland ka qaadanayso arrimaha doorashooyinka federaalka ee lagu muransan yahay iyo aqoonsiga Israa’iil siisay Somaliland.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles