Saturday, January 31, 2026

Trump oo sheegay in Mareykanka uu maamuli doono Venezuela.

Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu “maamuli doono” Venezuela ilaa “waqti aan ka samayn karno kala guur awoodda ah oo ammaan ah, habboon, isla markaana xikmad ku dheehan tahay.”

Trump ayaana sii raaciyey in ciidanka Mareykanku ay weerareen “qalcad ciidan oo si weyn loo xoojiyay” oo ku taal bartamaha magaalada Caracas si Maduro “sharciga loo horkeeno.”

Wuxuu hawlgalkan barbardhigay hawlgaladii ciidan ee hore loogu qaaday dalka Iiraan — oo ay ku jiraan kuwii lala beegsaday bartilmaameedyada nukliyeerka. “Ma jiro dal adduunka ah oo gaari kara waxa Ameerika samaysay ee ku guulaysatay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dhammaan awoodihii ciidanka ee Venezuela “laga dhigay kuwo aan waxba qaban karin” intii uu weerarku socday. Wuxuu kaloo raaciyay in layrarkii magaalada Caracas la damiyay intii uu hawlgalku socday “sababo la xiriira aqoon gaar ah” oo ay Ameerika leedahay.

Trump wuxuu sheegay in Maduro iyo xaaskiisa labaduba ay “hadda wajahayaan cadaaladda Ameerika,” isagoo intaas ku daray in dacwad lagaga soo oogay degmada koonfurta New York sababo la xidhiidha “ololahooda argagixisada maandooriyaha ee dhimashada leh” ee ka dhanka ah Mareykanka iyo muwaadiniintiisa.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles