Wednesday, January 7, 2026

Trump oo u digay Iran inuu faragelin doono haddii ay dilaan dadka dibad-baxaya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay maamulka Iran inay dilaan dibadbaxayaal nabadeed, isagoo sheegay in Washington “ay u imaan doonto badbaadintooda”
Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Bulshada, ayuu ku yiri: “Waxaan nahay kuwo diyaar ah una diyaarsan inaan dhaqaaqno,” balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin.
Lataliyaha sare ee hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku jawaabay isagoo sheegay in Trump uu “ka taxadaro” hadii uu soo farageliyo, isagoo ka digay qalalaase ka dhalan kara bariga dhexe.
Ugu yaraan sideed qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka Iran kadib ku dhawaad todobaad oo ay socdeen mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhashay xaalado dhaqaale oo sii xumaanaya.
Jimcihii qoraal uu Trump soo dhigay bartiisaTruth Social, wuxuu sheegay “Haddii Iran ay toogto oo ay si xun u disho dibad-baxayaasha nabdoon, taas oo ah caado ay leeyihiin, Maraykanka wuxuu u imaan doonaa badbaadintooda .”
Qoraalkiisa, madaxweynaha Mareykanka kuma uusan cadeyn tallaabada Washington ay ka qaadi karto mas’uuliyiinta Iran.
Bishii June, Mareykanka ayaa qaaday weeraro ka dhan ah xarumaha Nukliyeerka Iran, kadib amar kasoo baxay Trump.
Mas’uuliyiin Maraykan ah ayaa markii dambe ku dooday in weerarradu si weyn dib ugu dhigeen suurtagalnimada in Tehran ay dhisto hub nukliyeer ah — arrin ay Iran si cad u diiday.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda dalka Venezuela ee Caracas, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Venezuela iyo Mareykanka.
Wakaaladda Associated Press (AP) ayaa ku warrantay in ugu yaraan toddobo qarax la maqlay, islamarkaana la arkay diyaarado si hoose u duulaya hawada sare ee magaalada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in qaybo ka mid ah koofurta magaalada Caracas, gaar ahaan agagaarka saldhig militari oo weyn, ay korontadu ka go’day, taas oo sii kordhisay cabsi iyo walaac laga qabo xaaladda amni.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles