Saacadihii u dambeeyay, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si buuxda ula wareegay hoggaaminta feylka siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo bilaabay olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo lagu badbaadinayo wadajirka, midnimada iyo madax-bannaanida Qaranka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa xiriir toos ah la sameeyay madax kala duwan oo caalamka ah, gaar ahaan dalalka Soomaaliya la leh xiriir sokeeye iyo waddamada dariska ah, isagoo ka dalbaday taageero cad oo lagaga hortagayo go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu la hadlay dalal ka tirsan Khaliijka, dalal Aasiya ah, iyo waddamo saaxiib la ah Soomaaliya, si loo helo mowqif mideysan oo caalami ah oo ka dhan ah tallaabadaas.
Dalalka uu ilaa iyo hadda la xiriiray waxaa ka mid ah Jabuuti, Kenya, Uganda, Tanzania iyo Qatar.
Madaxweynaha ayaa weli wada dadaallo xooggan oo diblomaasiyadeed, kuwaas oo diiradda saaraya in beesha caalamka lagu qanciyo halista ka dhalan karta aqoonsiga gooni-u-goosadka Somaliland, iyo in la xoojiyo taageerada lagu difaacayo qaranimada Soomaaliya.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa iyaduna wadda dagaal diblomaasiyadeed oo la jaanqaadaya dadaallada Madaxweynaha, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda uu wadahadallo la yeeshay dalal iyo hay’ado caalami ah, si loo muujiyo mowqifka rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya.
Tan iyo markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka la wareegay bishii May 2022, Soomaaliya ayaa markii labaad wajahaysa halis toos ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda iyo wadajirka dhuleed.
Tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland ayaa sidoo kale si adag u cambaareeyay dalal badan iyo ururro caalami ah oo Soomaaliya xubno ka tahay, kuwaas oo muujiyay in ay garab taagan yihiin midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.




