Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen in la sii daayay 130 ka arday ee haray ee laga qafaashay dugsi ku yaalla bartamaha gobolka Niger.
Dowladda federaalka Nigeria ayaa sii dayntii ku tilmaantay “daqiiqad guul iyo nasasho”, ka dib mid ka mid ah afduubyadii ugu xumaa ee dalkaas ka dhacay.
In ka badan 250 carruur ah iyo shaqaale ayaa laga afduubay St Mary’s Catholic school oo ku yaall Papiri 21kii Nofembar.
Horaantii bishan ilaa 100 ka mid ah carruurta ayaa la sii daayay. Maamulka ayaa bayaan ay soo saareen ku xaqiijiyay “badbaadinta 130-ka hartay ee caruur iyo shaqaale ah” iyagoo yiri “hal arday oo maxaabiis ah ma harin”.




