Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo dhowaan ku dhaawacmay dab qabsaday guri ku yaalla Degmada Howlwadaag ee Gobolka banaadir.
Wasiirka oo booqashadaasi ay kala qeybgaleen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoliyada Xuseen Axmed Culusoow,waxaa socodkooda uu la xiriiray ogaanshaha xaaladda 8 ruux oo la ildaran dabkaasi oo ku habsaday guri ay ku sugnaayeen 12 qof.
Dabkaasi ayaa sadexdii bishaan geystay dhimasho soo gaartay haweeneey uurleh ,halka dhaawacyo culus iyo kuwo fudud ay ka soo gaaren 11 ruux,sida uu ka dhawaajiyay maamule ku xigeenka Cisbitaalka Ex Digfeer Maxamed Ashraf.
Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar oo la hadlay bukanadaasi ayaa sheegay in dadkaasi loo fidin dono daryeel caafimaad oo dibadda ah,isagoo ntaa raaciyay in maalinimada Axadda ee soo socotas loo qaadi doono Dalka masar,si ay u helaan adeeg dhinaca caafimaadka ah iyo daryeel.
Booqashada bukaanadaan ayaa qeyb ka ah gowlaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka ay kaga jawaabeyso masiibooyinka ,isla markaana lagu badbaadinaayo bulshada Soomaaliyeed.




