Tuesday, December 16, 2025

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tagay Deegaano dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno ku yaalla jiinka Webiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ugu horreyn kulammo la qaatay Maamulka Degmada Balcad oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug), iyo sidoo kale saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaannada jiinka webiga ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyey naf-hurnimada iyo geesinimada ay muujinayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee si joogto ah u dhabar-jebinaya cadowga argagixisada ah, waxa uuna faray saraakiisha in ay laba-jibbaaraan waajibaadkooda ciidan si loo sii xoojiyo amniga.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo ballaaran oo lagu ciribtirayo Khawaarijta lidka ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, iyagoo fuliyey howlgallo guuleystay oo sababay amni iyo xasillooni baahsan oo ay heleen shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles