Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashada qof iyo codka ah ee dalka ka dhici doonta ayaa si habsami leh uga socota degmada Balcad.
Guddoomiyaha degmada, Mudane Qaasim Cali Nuur Furdug, ayaa maanta si rasmi ah isugu diiwaangeliyay codbixiyaha, isagoo tusaale u noqday bulshada deegaanka si ay doorashadan muhiimka ah uga qaybqaataan.
Hawsha diiwaangelintu waxay ka socotaa xarumo kala duwan oo degmada ku yaal, iyadoo la raacayo nidaamka saxda ah ee Guddiga Doorashooyinka.






















