Tuesday, December 16, 2025

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay qaataan kaarka codbixinta kana qeyb qaataan doorashada qof iyo cod ee taariikhiga ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in 57 sano kadib ay suurtagashay in muwaadinku si toos ah u doorto cidda mataleysa, taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay dimuqraadiyadda dalka. Waxa uu xusay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay ka go’an tahay sugidda amniga si doorashadu ugu dhacdo si nabad ah, xor ah, oo hufan.

General Fartaag ayaa shacabka ku boorriyey inay ka faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah, kuna codeeyaan qofka ay u arkaan mid u adeegaya danaha shacabka iyo mustaqbalka dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles