Monday, November 17, 2025

Jubbaland oo ku baaqday la qabto shir wada-tashi Qaran si loo helo Hoggaan mideeya dalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku muujinayo walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafaadka sii kordhaya ee ka dhex jira hay’adaha dowladeed ee heer federaal iyo federaal-goboleed.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya ay marayso xilli masiiri ah oo u baahan hoggaan mideeya, kuna saleysan dan-wadaag siyaasadeed iyo ka fogaanshaha dano gaar ah. Wuxuu hoosta ka xariiqay in horumarka dalka uu ku xiranyahay in la helo hannaan siyaasadeed oo isku duuban oo ka jawaaba baahiyaha shacabka.

Isagoo ka hadlayey xaaladda Jubbaland, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in ammaanka, xasiloonida iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dowladnimada, isla markaana ay degdeg u baahan yihiin in khilaafaadka jira si dhab ah loo xalliyo.

Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu ku baaqay in la qabto shir deg-deg ah oo aan shuruudo lagu xirin, kaas oo ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha Golaha Wada-tashiga Qaranka. Shirkaan ayaa looga arrinsan lahaa arrimaha masiiriga ah ee saamaynta ku leh midnimada ummadda iyo wadajirkeeda.

Waxa uu ku adkeeyay in musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada 2026 lagu wargeliyo lana waafajiyo go’aannada ka soo baxa Golaha Wada-tashiga Qaranka. Tani, ayuu yiri, waa muhiim si loo hubiyo in doorashooyinka dalka u dhacaan si xasiloon, isla markaana loo dejiyo jiho siyaasadeed oo mid ah.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa wuxuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ugu baaqay, In uu si geesinimo leh u qiimeeyo xaaladda dalka oo dhan,In uu hoggaamiyo shacabka isagoo mudnaanta siinaya waxa maanta macquul ah oo lagu gaari karo heshiis, ammaano iyo horumar, iyo In uu ka gudbo dano gaar ah, kuna haga bixiyo hoggaan mideeya ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa xusay in Soomaaliya aysan awoodi karin kala jiidasho siyaasadeed oo sii socda, balse ay u baahan tahay hoggaan ku dhisan cadaalad, wada-tashi qaran, iyo ixtiraam dastuuri ah. Wuxuu caddeeyay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato dadaallada lagu mideynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles