Wednesday, November 12, 2025

Puntland oo dishay sarkaal sare oo Daacish u qaabilsanaa miinooyinka.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay inay dileen ninkii muddooyinkii ugu dambeeyay Daacish u qaabilsanaa miinooyinka, kaas oo la sheegay inuu ka dambeeyay dhowr qarax oo lagu dilay saraakiil ciidan.

Ninkan oo lagu sheegay inuu ahaa ajnabi, ayaa lagu toogtay howlgal ay ciidamada ka fuliyeen togga Baallade, kaddib markii ay heleen xog sheegaysa inuu miino dhigay meel u dhow halkaas. Ciidamada oo ku raad joogay ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay inay qaarijiyaan.

Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, jeebkiisa waxaa laga helay lacag doollar ah iyo qalab uu ku sameyn jiray miinooyinka. Inkastoo la rumeysan yahay inuu kasoo jeedo dalka Itoobiya, haddana weli si rasmi ah looma xaqiijin dhalashadiisa.

Masuuliyiinta ciidamada ayaa tilmaamay in dilkiisa loogu aarguday saraakiil iyo janano horey ugu dhintay qaraxyo miino oo lagu xiray waddooyinka. Waxay sidoo kale sheegeen in inta badan miinaystayaashii Daacish la dabar gooyay, isla markaana hadda si wanaagsan loo fahmay xeeladahooda.

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa shalay howlgal kale oo ay ka sameeyeen isla togga Baallade ku dilay laba xubnood oo kale oo Daacish ah, kuwaas oo ahaa ajnabi kasoo jeeda dalal Afrikaan ah.

Ciidamada ayaa sheegay inay wadaan howlgal ballaaran oo ay ku doonayaan inay gabi ahaanba kaga sifeeyaan firxadka argagixisada qaybaha ay weli ku dhuumanayaan ee togga Baallade.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles