Tuesday, December 30, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo-xuubeey oo gaaraya ku dhawaad 2-KM.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in dhismaha wadddadani ay abuuri doonto fursado shaqo iyo ganacsi, isla markaana ay kor u qaadayso bilicda iyo horumarka ka jira caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka caasimadda ay door weyn ka qaadanayaan, amniga, isku socodka dadka, gaadiidka iyo guud ahaan adeegyada kala duwan.

“Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda, waxaanna ku yaalla xarumo fara-badan oo muhiim u ah isku-socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir dhismaha waddooyinka iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo faray in la dardargeliyo qorshayaasha kor loogu qaadayo bilicda, nadaafadda iyo faya-dhowrka caasimadda.

Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo goobjoog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga ayaa ka hadlay howlaha dib u dhiska waddooyinka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay si xowli ah ku socdaan, dhawaanna kuwo cusub xarig lagu samayn doono.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles