Saturday, December 20, 2025

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Beijing.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) oo howlo shaqo u jooga Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, waxaana halkaasi kusoo dhoweysay Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha Marwo Hodan Cismaan Cabdi iyo howlwadeennada Safaaradda.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa ku ammaanay Danjire Hodan, Diblomaasiyiiinta iyo Howlwadeennada safaaradda shaqada ay Qaranka u haayaan, taas oo ka turjumeysa magaca, sharafta iyo himillada Qaranka Soomaaliyeed iyo dadaalka joogtada ah ee ay ku dhisayaan, kuna xoojinayaan xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Xoghaye Jaabiri ayaa howlwadeenadda safaaradda ku dhiirrigeliyay in ay sii wadaan hannaanka firfircoon ee ay kaga shaqeynayaan soo jiidashada maalgashi, iskaashiga dhinacyada kala duwan leh iyo kor u qaadidda sumcadda Qarankeenna.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles