Saturday, December 20, 2025

Maleeshiyaadka RSF oo lagu eedeeyey dilka dad cisbitaal ku sugnaa.

Maleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF) ayaa lagu soo warramay inay boqolaal rayid ah ku dileen isbitaalka weyn ee El-Fasher, maalmo un kadib markii ay qabsadeen magaaladaas, sida uu sheegay madaxa hay’adda caafimaadka adduunka ee Qaramada Midoobay.

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in hay’adda caafimaadka ee QM ay “ka argagaxday oo aad uga naxday” wararka sheegaya in 460 qof lagu dilay isbitaalka.

Ka hor intaanuu hadlin Tedros, Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegtay in ciidamada RSF ay “si naxariis darro ah u dileen qof kasta oo ay gudaha isbitaalka Sucuudiga ka heleen — bukaan, eheladooda, iyo cid kasta oo goobta joogtay.”

Ma aysan bixin tiro dhimasho rasmi ah, balse waxay ku sheegeen in xarumaha caafimaadka ee magaalada ay “u beddeleen meel lagu gowraco dadka.”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles