Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP).
Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha.
Mashruucan ayaa horseedi doona in dadkeenna ay si buuxda uga faa’iideystaan kheyraadka dalka, isla markaana uu dalku ka maarmo kaalmo shisheeye. Waxaa la filayaa in mashruuca ay ka faa’iideystaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.




