Thursday, October 16, 2025

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka oo ka qeybgalay Madasha Wargeysyada Faafifinta Rasmiga ah ee Afrika kana Dalka Jabuuti

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa ka qeybgalay daahfurka Madasha Wargeysyada Faafinta Rasmiga ah ee Afrika (Forum of African Official Gazette) oo sanadkan lagu qabtay dalka Jabuuti.

Madashan ayaa isu keentay dowladaha Afrika si loo mideeyo dadaallada faafinta sharciyada, xeerarka iyo go’aannada rasmiga ah.

Madashu waxay ka shaqeyn doontaa casriyeynta nidaamyada faafinta rasmiga ah, kor u qaadista daahfurnaanta sharciyeed iyo xoojinta iskaashiga horumarinta cadaaladda.

Sidoo kale, waxaa lagu dhiirrigelinayaa adeegsiga habab dijitaal ah si loo fududeeyo helitaanka macluumaadka dowladda.

Ka-qaybgalka Soomaaliya ayaa door muuqda ka qaadan doona faafinta xogta sharciyeed, hufnaanta dowladnimo, is-waafajinta sharciyada Afrika iyo kor u qaadista helitaanka macluumaadka rasmiga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles