Tuesday, October 14, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay musiibadii 14-kii Oktoobar.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in ay xusuustooda ku weyn tahay weerarkii 14-ka Oktoobar ee 2017 ka dhacay Muqdisho.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa intaa ku daray in Muqdisho ay muujisay adkaysi iyo soo kabasho aan la qiyaasi karin.

“Maanta waxaan xusuusaneynaa dhibbanayaashii weerarkii argagixiso ee 14-ka Oktoobar 2017, Muqdisho waxay muujisay adkaysi iyo soo kabasho aan la qiyaasi karin”.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sheegay in tani tusaale u tahay muhiimadda ay leedahay udiyaargarowga masiibooyinka, ka jawaabidda iyo dib u dhiska.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa yiri “Waxaan weligeen xasuusan doonnaa kuwii naftooda ku waayay, annagoo ka shaqeynayna nabad, badbaado iyo Soomaaliya adkaysi leh”.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles