Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Barqanimadii u Ambabaxay dalka Itoobiya, iyadoo xukuumaddu ay safarkiisa ku sheegtay mid salka ku haya kor u qaadista saaxiibtinimada iyo iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya.
“Safarka Madaxweynaha Somaliland waa tallaabo loo qaaday dhinaca xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yidhi qoraal ku qoran af Amxaari oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Qoraalka waxa lagu sheegay in safarkani daaran yahay kor u qaadista iyo ballaadhinta iskaashiga dhinacyada isku socodka xamuulka, ganacsiga, amniga, iyo horumar waara oo labada dhinac ay wada gaadhaan, iyo arrimo kale oo muhiim ah.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay: “Booqashadan ma aha oo keliya safar dowladeed, balse waa fariin xanbaarsan casharro qoto dheer oo ku saabsan xidhiidhkeena taariikhiga ah, iyo dhismaha mustaqbal wadaag ah oo ku salaysan rajo iyo amni uu helo Geeska Afrika.”
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Madaxweynaha Somaliland ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay.
Dhanka kale, waxaa maalmahan Itoobiya ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa halkii ugu sarreysay gaadhay horraantii sanadkii hore, kadib markii ay kala saxeexdeen heshiis dhigaya in Itoobiya ay saldhig ciidan badeed ka hesho Gacanka Cadmeed, isla markaana ay Addis Ababa aqoonsato Somaliland.
Heshiiska labada dhinac ayaa dib u dhacay kadib markii Itoobiya cadaadis kala kulantay dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta, taas oo keentay in Itoobiya hoos u dhigto muhiimadda heshiiska isla markaana ay ka gaabsato fulintiisa.