Guddiga wadajirka ah ee Xulista iyo Doorashada Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika oo maanta yeeshay kulankoodii labaad, ayaa gudagalay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).
Xubnaha Guddiga oo dardar gelinaya howlaha shaqo ee loo xilsaaray, ayaa maanta billaabay araaji qabashada musharraxiinta u tartamaysa xubnaha Soomaaliya ku meteli doona Golaha sharci dejinta ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.








